Akhriso: Liiska dowladaha bixiyay dhaqaalaha ay mucaaradka ku qasayaan siyaasada Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa dhex dabaalaneysa mowjado Siyaasadeed oo ay ku kicinayaan dowlado dhowr ah kuwaa oo is garabtaagaya dhinacyada Mucaaradka.

Mowjadaha ku furan dowlada ayaa waxaa qeyb ka ah dhinacyo mucaarad ah oo ka kooban labada Baarlamaanada ee dalka iyo Siyaasiyiin miisaan leh, waxaana adkaaneysa in la kala dilo.

Dhinacyadan ayaa waxaa fangareynaaya dowlado dhowr ah oo dhaqaalaha u marinaaya dowlada Imaaraadka oo iyadu cadeysatay dagaalka ay kula jirto dowlada Somalia.

Dowladaha dhaqaalaha ku bixinaaya mucaaradka oo qaarkood daaha gadaashii ka qasaaya Siyaasada Somalia, ayaa waxaa kamid ah:

Dowlada Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Mareykanka, Ethiopia iyo Kenya oo dhamaantooda dhaqaalaha loo adeegsanaayo dhibaateynta Somalia u marinaaya Imaaraadka Carabta.

Dhaqaalaha ay bixiyeen dowladahan ayaa waxaa kamid ah tan la sheegay in laga soo saaray Hooyga CC Shakuur oo dhawaan ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan dowlada.

Dowlada Somalia ayaa ka gaashamaneysa faragalin kaga imaada dowlada Imaaraadka iyo Sacuudiga oo iyagu qaska Somalia u sameynaaya Kheyraadka ku jira dhulka aawgii.

Dhinaca kale, Dukumiintiyo ay heshay dowlada Somalia ayaa muujinaaya in dowlada Imaaraadka ay shaqsiyaad gaara u ballanqaaday inay gaarsiin doonto heer Madaxweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com