Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa xili hore Beesha Caalamka u gudbisay Liiska Guddiga Doorashooyinka dalka.
Liiskaani ay Dowlada u gudbisay Beesha Caalamka ayaa ka kooban 22 xubnood oo ay DFS usoo xulatay maamulida hanaanka doorasho ee dalka.
Maamulk Goboleedyada ayaa Guddigaan waxaa ugu jira min Labo Xubnood oo ay soo Xusheen Hogaamiyaasha Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.
Guddiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiir ka tirsan Xukumadda Somalia iyo Xubno kale oo ka socda Saddexda Xafiis ee kala ah kala ah Madaxtooyada,Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Somalia.
HOOS KA AKHRISO LIISKA LA GUDBIYAY
1-Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa, Wasiir DFS
2-Maxamed Jaamac Mursal, Wasiir DFS
3-Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiir DFS
4-Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir DFS
5-Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir DFS
6-Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan
7-Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan
8-Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan
9-Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan
10-Barlin Cadami , Aqoonyahan
11-Cabduweli Xirsi Cabdulle , Wasiir Puntland
12-Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan PL
13-Aadam Ibraahim Aw-xirsi , Wasiir Jubaland
14-Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan JL
15-Cabdiraxmaan Aadan sate , Wasiir Koonfur Galbeed
16-Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan KG
17-Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug
18-Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan GM
19-Axmed Maxamed Siciid, Somaliland
20-Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland
21-Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan
22-Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe.
Guddigaani ayaa waxaa ka fadhiisan doona Wakiilada Beesha Caalanka ka jooga Somalia, waxaana shaki laga muujinayaa suuragalnimada gudigaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com