DF oo dhaqaale loogu deeqay xilli kuwii hore la musuq-maasuqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in Dowlada Somalia, ay ugu deeqen dhaqaale dhan 73 Milyan oo lagu xalinaayo duruufaha heysta DFS.

Deeqdaani ayaa waxaa looga dhawaaqay shir heer sare ah oo ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxaana shirkaasi DFS u matalaayay Maxamed Cumar Carte oo ah Rw ku-xigeenka dalka.

Lacagtaani deeqda ah ayaa lagu bixin doonaa howlaha la xiriira horumarka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Carte ayaa aad usoo dhaweeyay deeqda ay bixineyso EU waxa uuna khudbadiisa ku sheegay in dhaqaalahaasi ay u adeegsan doonaan horumarka dalka.

DFS ayaa dhowr jeer loogu deeqay dhaqaale culus, hadana ma muuqato waxa lagu qabtay dhaqaalahaasi, waxa ayna taasi muujineysaa in tan iminka loogu deeqay DF ay mari doonto halkii ay martay tii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com