Akhriso liiska magacyada saraakiil ciidan oo Gaas uu ka ruqseeyay shaqada

Garoowe (Caasimada Online) – Digreeto kasoo baxday xafiiska Hoggaamiyaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu ruqseeyay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka daraawiishta iyo booliska Puntland.

Saraakiisha la ruqseeyay oo dhan 7-xubnood ayuu Hoggaamiye Gaas ku eedeeyay in ay ku kaceen falal liddi ku ah anshaxa ciidanka iyo jiritaanka Puntland.

Hoggaamiye Gaas digreetada uu ku ruqseeyay  saraakiishan ayaa soo baxday 25 bishan oo ku taariikhaysnayd shalay hase ahaate maanta ay heleen qeybaha kala duwan ee warbaahinta.

HOOS KA AKHRISO LIISKA SARAAKIISHA LA RUQSEEYAY

1-G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito)

2-G/Sare Maxmed Cali Qase

3-G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax)

4-G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad)

5-G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro)

6-G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab)

7-Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo).

Dhinaca kale, Saraakiishan oo ka kala tirsanaa ciidamada daraawiishta iyo kuwa Booliska Puntland ayaa lagu ruqseeyay labo digreeto oo is xig xigay hadana dhamaantood waxa ay ka sinaayeen eedaha ah in ay ku kaceen falal ka baxsan anshaxa ciidanka iyo jiritaanka Puntland sida ka muuqata warqada digreetada madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com