Sacuudiga oo laalay dalab xiisad abuuri kara oo kaga yimid dowladda Turkiga

Riyadh (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalada Riyadh dowlada Sacuudiga ayaa ka hor imaaday in dowlada Turkiga ay ku wareejiso dadka lagu tuhmayo inay ku lug lahaayen dilka suxufi Jamaal Kaashogji.

Wargeysyada oo xiganaya Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Caadil Al-Jubayr ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga ay ka hor imaaday dalabka Turkiga ee ku aadan in tuhmanayaasha lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbuul.

Wasiir Caadil Al-Jubayr, wuxuu sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka Jamaal Kaashogji lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Sucuudiga, isla markaana ay jiri doonin muwaadin lagu wareejin doono Turkiga.

Wasiir Caadil Al Jubeyr ayaa la sheegay in hadalkan uu ka dhahay shir ka socday dalka Baxreyn wuxuu ku eedeeyay warbaahinta reer galbeedka iyo qaar kamid ah kuwa carabta inay bunbuuniyeen markii ay tebinayeen dhacdada.

“Ma dhaceyso in muwaadin la tuhunsan yahay oo kiiskiisa ku jira gacanteena in loo gacan galiyo Turkiga, wey nagu adag tahay inaan ku wareejino maxaabiisteena ku socta baaritaanka, turkigu waa inuu nagu kalsoonaada”

Sidoo kale, Wasiir Caadil Al-Jubayr ayaa ku adkeysanaya in Sacuudiga uusan ku tallo gal u dilin Suxufiga Jamaal ee ku dhex dhintay gudaha Qunsuliyada ee magaalada Istanbuul.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli Turkiga uu codsaday in loo soo gacan geliyo 18 qof oo u dhashay Sucuudiga oo looga shakinsan yahay inay wax ka ogaayeen dilka weriye Jamaal Kaashogji.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com