DAGAAL uu ku lug leeyahay Jeneral sare oo ciidamada DF ku dhex-maray Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in is rasaaseyn dhex martay ciidamo boolis ah iyo kuwo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Is-rasaaseynta ayaa ka dhacday Degmada Hodon, gaar ahaan agagaarka Sey Biano, kadib markii sida la sheegay Ciidamo ilaalo u ah General Sheegoow Axmed Cali oo ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka ay isku dhaceey ciidamo Boolis ah oo bar koontorool ku leh agagaarka Sey Biano, waxaana iska ho rimaad dhex maray labada dhinac uu dhaliyey qasaare.

Wararka aya sheegaya in ciidamada ilaalada u ah Gen. Sheegow ay doonayeen inay xoog ku furtaan Wadadda oo ciriiri badan ka jiray, ayna damceen inay xoog ku jiiraan gadiidkii ka horeeyay, kadibna ay xaaladda soo farageliyeen ciidamada Booliska oo ilaaladasi ku amrtay inay safka galaan, balse ay isku dhaceen.

Jeneraal Sheegow iyo ilaaladiisa ayaa la sheegay inay ka yimaadeen Gobolka Sh/Hoose, isagoo ku soo laabtay Magaalada Muqidsho.

Sida aan wararka ku heleyno ilaa saddex ruux oo ay Haweeneey ay ku jirto ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeyn israsaseentaasi mana ahan markii ugu horeysay oo ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay israsaaseen ku dhex marto Magaalada Muqdisho.

Ilaalada Jeneraalka ayaa Bishii September waxay hore u geysteen fal noocan oo kale ah, kaasoo ay ku dileen gabar yar oo dhigata Dugsiga Hoyga Xamar, iyadoo markaas la sheegay in dilkaasi loo xiray askar ka mida ilaalada Jeneraal Sheegow oo isagu beeniyay inay ilaaladiisu ku lug lahayd dilka gabadha.

Waxaa maanta xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha intaba, waxaana waddooyinka lagu arkayaa ciidamo Booliis ah oo gaadiidka ku wargelinaya inaanay halkaasi mari kari, wallow shacabka si caadi ah u lugeynayaan.

Meelaha xiran ay ka mid yihiin wadada Makka Al-mukarrama iyo dhammaan jidadka soo gala wadadaasi. Sababta waddooyinka loo xiray ayaa ah shir ballaaran oo dhowr dal ka qeybgalayaan oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com