Xog: Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo suuq yeeshay iyo loolan adag oo ka socda magaalada Baydhaba

Baydhaba (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu halkaas ka socdo loolan adag oo u dhaxeeyo musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamulkaas.

Musharixiintaan oo gaarayo illaa 8 musharax oo ay ku jirto Haweeney ayaa kulamo kala duwan kula leh Hotelada Ku yaalo Baydhabo Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa yeeshay suuq cusub oo ay si weyn uga macaashayaan, waxayna marba tagayaan Hoteelada ku yaalo Baydhabo oo ay olole ka wadaan Musharixiinta Xilkaas u taagan.

Musharaxiinta loo maleenayo inay Dowladda wadato ee kala ah Xuseen iyo Lafta Gareyn ayaa olole xooggan wado, sidoo kale waxaa loolan adag wado Musharax Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah musharixiinta loo saadaalinayo inay xilkaas qaban doonaan.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa la kulmayo dhammaan Musharaxiinta iyagoo mid kasta ballan qaad gaar ah u sameenayo iyo inay dooran doonaan.

Musharixiinta qaar ayaa Magaalada Baydhabo kala dagay Baabuurta aan xabadda karin  iyo lacago la qorsheenayo in Xildhibaanada la siiyo.

Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa kala socodka lacagaha ay musharixiinta suuqa gelinayaan, waxaana magaalada ka socdo ganacsi aad u weyn.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan magacaabay Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed inkastoo ay jirto cabsi ku aadan inay baaqato doorashada taasoo laga yaabo inay keento xiisad siyaasadeed oo dhalato deegaanada Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com