Liis dhameystiran: Magacyada iyo beelaha xubnaha ku guuleystay Aqalka Sare ee Galmudug + Sawirro

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay oo soo afmeeray howlaha ku aadan xubnaha Aqalka Sare u matalaaya.

Xubnaha Galmudug u matalaya Aqalka sare ayaa ka kooban 8 xubnood, iyadoo maalintii shalay la doortay shan xubnood, halka maanta la doortay saddex.

Xubnaha loolanka looga guuleystay ayaa aad ugu qanacsan qaabka ay doorashadu u dhacday iyo sida looga guuleystay.

Xubnaha ku guuleystay Aqalka ayaa waxaa kamid ah Labo Haween, kuwaasi oo ka guuleystay Siyaasiyiin caan ahaa.

HOOS KA AKHRISO LIISKA XUBNAHA GUULEYSTAY

1- Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) Kursiga Beesha reer Xaaji Saleebaan H/gidir

2- Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid — Beesha Sacad H/gidir

3- Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) — Murusade

4-Yuusuf Geelle Ugaas — Beesha Duduble

5- Zamzam Dahir Maxamuud — Beesha C/raxmaan Saleebaan Waceysle

6- Jawaahir Axmed Cilmi — Beesha Cayr H/gidir

7- C/waaxid Cilmi Goonjeex — Beesha Mareexaan.

8- Abuukar Axmed Xaashi — Beesha Dir.

aqalka-1

qeybdiid

aqalka-3

aqalka-4

aqalka-5

aqalka-6

aqalka-7

aqalka-8