Ciidamo aad u hubeysnaa oo xoog kula wareegay Bangiga Puntland ee Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Ciidamo aad u xoogan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa goordhow si buuxda ula wareegay Bangiga dawladda Puntland ee Gaalkacyo.

Ciidamadaani la wareegay Bangiga ayaa ku hubeysan ilaa Shan gaari kuwaasi oo ka cabanaayo Musuq maasuq lagu sameeyay mushaaraadkooda.

Ciidamadaani ayaa gudaha u galay Bangiga waxa ayna halkaasi banaanka uga soo saaren howlwadeenada Bangiga iyagoo ku amray inay ka baxaan dhismaha Bangiga isla markaana aadan guryahooda.

Ciidamadaani waxa ay sidoo kale jareen dhammaan wadooyinka gala Garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf.

Ciidamadaani ayaa goobaha lagu daadiyay ka mamnuucaayay gaadiidka raaxada iyo xitaa kuwa ay wateen ciidamada kale.

Maamulka Puntland oo dhaqaale xoogan ay kasoo gasho canshuuraha Dekadaha ayaan hadana si joogta ah u bixin mushaaraadka Shaqaalaha iyo Ciidamada.

Taliyayaasha qaarkood oo Mushaarka loogu dhiibo ciidamada ay maamulaan ayaa waxaa la sheegayaa inay musuqaan mushaarka.

Dhinaca kale, Ciidamada la wareegay Bangiga ayaa ilaa iminka gacanta ku haya halkaasi waxa ayna diidan yihiin inay ka baxaan iyaga oo aan lasiin mushaarkooda dhowrka bil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com