Garoowe (Caasimada Online)-Sargaal ka tirsan Maamulka Khatumo State, ayaa inoo xaqiijiyay in Weerarkii ay Ciidamada Maamulka Somaliland ku qaadeen Deegaanka Saax-dheer ay ku qafaasheen Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Khatumo iyo Saraakiil dhaawac ahaa.
Sargaalka oo Magaciisa ka gaabsaday Dhanka Ammaanka Aawgeed, ayaa waxa uu Tilmaamay in Mas’uuliyiintaasi ay ku jiree Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka Khatumo iyo Saraakiisha gacanta ku heysay Ammaanka Madaxweyne Cali Khaliif.
Sidoo kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka Maamulka Somaliland Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle oo saxaafadda la hadlay, ayaa xaqiijiyey inay in badan iska ilaaliyeen inay tallaabo Millatari ka qaadaan Degaannada gobollada bari, balse Cali Khaliif Galaydh oo abaabul badan sameeyey ku kellifay inay tallaabo qaadaan, waxa uuna Cadeeyay in Weerarkaasi ay kusoo gacan galsheen Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsanaa Maamulka Khatumo.
Taliyaha waxa uu sidoo kale, Faahfaahin ka bixiyey hawlgalka ciidankiisu sameeyeen iyo kala cararkii ku dhacay Maamulka iyo Mas’uuliyiintii Caleemo saarkaasi ka qeybqaadanaayay, waxa uuna Tilmaamay in Howlgalkaasi ay kusoo qabqabteen Mas’uuliyiintii qabanqaabineysay Munaasabada.
Ilo wareed ka tirsan Saraakiisha Maamulka Somaliland gaar ahaan kuwa Saldhiga Burco, ayaa inoo xaqiijiyay in Mas’uuliyiin farabadan lagu soo qabtay Howlgalka waxa uuna Magacyada maxaabiista lagu qabtay dagaalkii Saax-dheer oo xabsiga Burco la dhigay kala ahaayeen:-
1. Ciise Cabdi Cabdulle
2. Siciid Jaamac Ismaaciil
3. Cabdirisaaq Axmed Saleebaan
4. Xuseen Xasan Jaamac
5. Asad Xuseen Cismaan
6. Xildhibaan Maxamuud Axmed Ibraahim
7. Dhuux Deeq Axmed
8. Shir-shoole Maxamuud Xaaji Hirad
9. Maxamed Cumar Cabdi, halka maxbuuska 10aad oo dhaawac ah aan magaciisa la soo bandhigin, kaas oo hadda lagu daawaynayo Cusbitaalka Guud ee Burco.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe