GALEYR oo ka warbixiyay dagaalkii ay Somaliland kusoo qaaday KHAATUMO

Saaxdheer (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State, Pro Cali Khaliif Galeyr ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta ciidamada Somaliland ay ugu soo duuleyn deeganka Saaxdheer oo lagu waday shaley in ay ka dhacdo caleema saarkiisa.

Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlayay deeganka Togga Aragsan oo lagu caleema saaray ayaa sheegay in dagaalka lagu hayo maamulkiisa uu yahay maxaa ka rabtaan midnimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in gardarro qaawan ay tahay dagaalka Somaliland ay ku soo qaaday deeganka Saaxdheer oo shaley la rabay in ay ka dhacdo xafladda caleema saarkiisa.

Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in dagaalka lagu hayo uu yahay mid ku kooban maamulka Somaliland ee shacabka Somaliland kuma lug lahan ayuu yiri.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State ayaa ku celceliyay in maamulkiisa uu diyaar la yahay wadahadal iyo daris wanaag uu kula noolaado maamulada dariska ah sidda Somaliland iyo Puntland.

Cali Khaliif Galeyr ayaa canaan kala dul dhacay dowladda fedaraalka oo uu sheegay in aysan taageero u fidin maamulkiisa isla markaana aaney waxbo ka qaban gardarrada lagu hayo Khaatumo State mar kasta sidda uu yiri.

Si kastaba, dagaalkii shaley ka dhacay deeganka Saaxdheer ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 10 askari oo ah labada dhinac waxaa kaloo jira dad ku barakacay kuwaasoo ka cabsi qabay in dagaalka uu daba dheeraado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com