Somaliland: DF iyo Jubba ayaa hub soo daabulay, waana noo DAGAAL CUSUB

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay uu Dagaal ka dhacay Deegaanka Saax-dheer, ayaa waxaa Ujeedka Dagaalkaasi ka hadlay Taliyaha ciidamada Maamulka Somaliland.

Gen: Ismaaciil Shaqalle oo ah Taliyaha ciidamada Maamulka Somaliland oo weerarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in sababta ay u weerareen tuulada Saax-dheer ay tahay kadib markii Hub iyo Ciidammo laga soo daabulay Muqdisho iyo Kismaayo.

Waxa uu Taliyaha sheegay in Cali Khaliif uu qeyla dhaan u diray Dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubba, taasina ay suuragalisay in Kismaayo laga soo daabulo Ciidamo xaqiijiya Ammaanka Khatumo, halka DF ay Shixnado hub ah ku caawisay Madaxweynaha Khatumo, sida uu hadalka u dhigay Taliyaha ciidamada Maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Shaqalle waxa uu sheegay in Cali Khaliif uu doonayay Caleemo saarka kadib inuu duulaan kusoo qaado Deegaanada Maamulka ee xadka la wadaaga Khatumo.

Gen: Ismaaciil Shaqalle waxa uu Tilmaamay inaysan diyaar u aheyn in faragalin lagu sameeyo Deegaanada ay ka arimiyaan, waxa uuna sheegay in Deegaanka Saax-dheer uu taabacsan yahay Somaliland.

Dhanka kale, waxa uu Dowlada Federaalka uga digay inay kusii dheerato Siyaasadaha Khatumo iyo faragalinteeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com