XOG: Axmed Madoobe iyo COL. BARRE HIIRAALE oo mar kale kala booday !!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa inuu hakad galay wada hadaladii u dhaxeeyey Barre Hiraale iyo Kooxda Axmed Madoobe.

Go’aanno aan ku jirin kuwii lagu soo heshiiyay ayey miiska wada hadalka soo saareen saraakiisha wakiilka shirka uga ahaa Barre Hiraale ee ka dhacay Kismaayo.

Saraakiisha ka socotey Barre Hiraale ayaa soo jeediyey in baro cayiman oo ku yaal Kismaayo laga dejiyo magaalada iyaga iyo ciidamadooda ayna sidaa ku daganadaan inta laga gaarayo 21 September 2014 oo loo balan sanyahay in uu qabsoomo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Kooxda Axmed Madoobe ayaa ku gacan seyray dalabka ah in ciidanka Barre Hiraale ayagoo hubeysan la soo geliyo magalada Kismaayo.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galay ee garabka Barre Hiraale waxaa hogaaminayay Cabdi CIgaal iyo Maxamed Buraale oo xubin muhiim ah ka ahaa Isbaheysigii loo aqoon jirey dooxada Jubba.

Warar kale ayaa shegaya in Wasiirada ka socda DF ay soo jeediyeen in ciidamada la dejiyo Kismaayo, halka Axmed Madoobe uu ku adkeysanayo in ciidanka loo diro xeryo lagu tababaro, halka Barre Hiraale sidoo kale uu raaco wafdiga u ambaxaya Muqdisho.

Waftiga dowladda, ayaa isku dayaya iminka inay ka hortagaan in wada-hadalka bur buro, balse lamaoga cidda soo dabci doonto labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com