XOG: Maxaad kala socotaa XILKA sare ee Bare Hiiraale oo loo ballan qaaday?

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar aanu helnay waxay sheegayaan in wasiirkii hore ee gaashandhigga Soomaaliya loo magacaabi doono xil culus, haddi wada-hadallada socda si buuxda loogu guuleysto

Ilo wareegyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Barre Hiiraale loo magacaabi doono madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee maamulka Jubba marka uu dhammaado shirka dib u heshiisiinta ee 21-ka bisha soo socota ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Xilka loo magacaabayo Barre Hiiraale waxaa hadda ku fadhiya Jeneraal Cabdullaahi Ismaacil Fartaag, balse waxaa la lee yahay waxaa xilkaas la isku afgartay in uu la wareego Barre Hiiraale, maadama raggii kale ee la sheegtay madaxweynaha Jubba loo dhiibay xilal sar sare.

Haddii heshiis laga gaaro khilaafka ka taagan Jubbooyinka, waa guul u soo hoyotay dowladda Soomaaliya maadama muddo ka badan sannad ay ku howlaneed soo afjarida khilaafka ka dhexeeya maamulka Jubba iyo Barre Hiiraale.

Sidoo kale, dowladda waxay maamul rasmi u aqoonsan doontaa maamulka uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe.

Barre Hiiraale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu oggolaaday in uu si shuruud la’aan ah uga qeybgalo shirka dib u heshiisiinta ee Kismaayo ka dhacay bisha na soo aadan.

Arrintan in ay hirgasho waxaa door ku leh dowladda Kenya, Itoobiya iyo urur gobaleedka IGAD, in kastoo mid kasta uu lee yahay dan gaar ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com