Jowhar (Caasimada Online)-Maamulka Hirshabeelle ayaa goordhow soo saaray Liiska musharixiinta Aqalka Sare, kadib markii Guddiga Doorashooyinka uu cadaadis xoogan saaray maamulka.
Liiska musharaxiinta ee lasoo bandhigay ayaa u tartami doona 8-da kursi oo uu maamulka Hirshabeelle ku leeyahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku dhawaaqay 21 Musharax oo 3 kamid ah ay yihiin dumar kuwaasoo u tartami doona Aqalka Sare.
Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ayaa waxa ay dhici doontaa maalinta Axada lixda bisha November 2016.
Liiska ayaa waxaa ka dhex muuqda Muuse Suudi Yalaxow, Prof. Cusmaan Dufle iyo Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ah Safiir ku xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenuya.
HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARAXIINTA
1-Xasan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen
2-Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud, Fartuun C/dir Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Sayid Axmed
3-Maxamed Cismaan Faarax (Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi
4-Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey, Cismaan Mocow iyo Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.
5-Maxamed Amiin Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi
6-Muuse Xasan Yalaxow (Muusesuudi) iyo Xasan Cali Caadle
7-Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur
8-Jaamac Xuseen Xaashi iyo Proff Cismaan Maxamuud Duflle.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar

