Akhriso liiska qaar kamid ah wasiirada DF ee isbedelka lagu sameyn doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu isbedel ku sameeyo Golaha Wasiirada Xukuumadiisa.

Ra’isul wasaare Kheyre oo howlo shaqo ugu maqan dalka dibadiisa, ayaa dib usoo laabashadiisa kadib isbedel ku sameyn doona Xukuumada hadda jirta.

Qorshaha isbedelka Kheyre ayaa la sheegay inaanu ku jirin in xil ka qaadis ama xil bedel lagu sameeyo Wasiirada dhawaan la magacaabay sida Wasaaradaha Gaashandhiga, DIbadda iyo Gudaha.

Xogta aan ilaa iyo hadda heleyno ayaa sheegeysa in isbedelka iyo xil ka qaadista uu saameyn doono ilaa 6 Wasiir oo kala ah:

1-Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Somalia Md. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

2-Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

3-Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

4-Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Maryan Aweys Jaamac.

5-Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

6-Wasiirka Cadaalada, Avv. Xasan Xusein Xaaji.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa buuxin doona ilaa Seddex Wasaaradood oo aan iminka laheyn Wasiiro, kuwaa oo ay kusii shaqeeyan Wasiir ku xigeenada xilka sii haya.

Geesta kale, Wasiirada kor ku xusan qaarkood ee xilka weyn doona ayaa waxaa booskooda lagu buuxin doonaa Wasiiro cusub oo qurba jog ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com