Akhriso magacyada shaqsiyaadkii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Kampala oo la shaaciyey !!

Muqdisho (Caasimada Online) – 13 shaqsi oo ay Boliska Uganda ku eedeeyen inay ka dambeeyen Qaraxyadii Mataanaha ee bishii July 11-dii ee sannadkii 2010-kii ka dhacay magaalada Kampala ayaa lagu wadaa inay dacwadooda bilaaban doonto bilowga bisha soo socoto ee June 8-da.

Sarkaal u hadlay Garsoorka Uganda, oo lagu magacaabo Soloman Muyita ayaa u sheegay Suxufiyiinta in dacwadaasi dib loo bilaabi doono bilowga bisha soo socota ee June.

Shaacintaasi ayaa timid wax yar kadib, markii ay Dacwad oogayaasha iyo Kooxaha Difaacayaasha u ah eedeysanayaashaasi yeesheen Shir ay albaabada u xirteen, oo uu Guddoominayey Garsooraha qaadayo Dacwadaasi oo lagu magacaabo Alfonso Owiny Dollo.

Eedeysanayaasha lala xiriirinayo qaraxyaddii mataanaha ee Kampala ayaa kala ah:-

1. Hussein Hassan Agad,

2. Idris Magondu,

3. Isa Ahamed Luyima,

4. Hassan Haruna Luyima,

5. Abubakari Batematyo,

6. Yahya Suleiman Mbuthia.

7. Habib Suleiman Njoroge,

8. Omar Awadh Omar,

9. Mohammad Hamid Sulaiman,

10. Seleman Hijar Nyamandondo,

11. Mohammad Ali Mohammad,

12. Dr Ismael Kalule,

13. Muzafar Luyima

Qaraxyadii Mataanaha ee bishii July 11-dii ee sannadkii 2010-kii ka dhacay Kampala waxaa ku geeriyootay 76 qof.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com