“Arrinta Prof. Jawaari ayaa wax ka wada waan la soconnaa balse hanqaraarac lug uma dhutiyo” !!

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa eedeyn u jeediyay gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya, taasi oo ah inuusan dhex dhexaad ka aheyn mooshinka xildhibaanada gudbiyeen.

Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney ka xun yihiin mooshinka laga gudbiyay dhismaha baarlamaanka maamulka Jubba ee loo qeybiyay xildhibaanada.

Wuxuu sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka uusan dhex dhexaad ka aheyn mooshinka gacantiisa galay e loo gudbiyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Anaga uma aragno Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu dhex dhexaad yahay, dadka mooshinka ka shaqeynaya ayuu ka mid yahay, waliba dad gooni ayuu ku naas-nuujinayaa”ayuu yiri C/naasir Seeraar.

“Anaga wax na quseeya ma’ahan mooshinka iyo waxa la wad-wado wax waliba oo kasoo baxana wax saameyn ah naguma yeelanayso, hanqaraarac lug uma dhutiyo.” Ayuu yiri Seeraar.

Sidoo kale afhayeenka Jubba ayaa ku andacooday in Jawaari uu waligii tagin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

“Guddoomiyaha Baarlamaanka waligiis Kismaayo ma uusan imaan, taas isaga weydiineysaan, laakiin wax na quseeyo oo noo yaalo ma ahan waxay ka hadlayaan, waa arkeynaa meesha ay geeyaan”ayuu yiri C/naasir Seeraar.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com