R/W CCC oo ku dhowaaqay GO’AAN culus oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya ee 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha DF Somalia Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke ayaa si qoto dheer uga hadlay Hanaanka ay Dowladu ku dooneyso inay ku dhacdo doorashada dalka Somalia oo ay mudo kooban ka harsan tahay.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in DF Somalia ay ka go’an tahay qabashada doorashada dalka, waxa uuna tilmaamay in himiladoodu tahay inaan laga dib dhicin xiliga lagu balamay in doorashadu dhacdo.

Ra’isul wasaaraha Somalia ayaa hadalkaani sheegay xili uu wareysi gaar ah siinaayay mid kamid ah Warbaahinta ka howlgasha dalkaasi Mareykanka waxa uuna sheegay inay jiraan caqabado horyaala DF balse ay dowladu dooneyso in laga gudbo si ay u dhacdo doorasho nin iyo codkiisa ah. Si kastaba waxa uu qiray inaysan dhici doonin doorasho ceynkaas ah, xaaladda jirta darteed.

Waxa uu Qurba-joogta ku nool dalka dibadiisa gaar ahaan kuwa Mareykanka ugu baaqay inay dalkooda dib ugu soo laabtan islamarkaana ay ka qeybqaatan doorashada ay mudada kooban ka harsan tahay waxa uuna yiri “qurbo-joogta Soomaalida Maraykanka waa inay aqoontooda uga faa’ideeyaan Ummadda Soomaaliyeed, iyagoona looga baahanyahay taageero”

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inay isaga iyo xubno kale dadaal ugu jiraan sidii Somalia looga hirgelin lahaa isbedelka Dimuquraadiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan Somalia wax doorasho Dimquraadi ah ka dhicin muddo 40-sannadood, sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo intaa hadalkiisa kasii ambaqaadayay ayuu yiri “waxaan markii ugu horreysay ka shaqeynaynaa sidii ay Doorasho Dimquraadi ah uga dhici lahayd Somalia”

Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid waxa uu tilmaamay haddii ay doorasho dhacayso inuu u bahan yahay inay Soomaalida Maraykanka u codeeyaan, xitaa haddii usan isagu ku jirin doorashadaasi.

Geesta kale, waxa uu ugu baaqay Jaaliyada Soomaalida Maraykanka inay ka qeyb qaataan Dhismaha Nidaamka Dimuquraadiyadda ee Somalia, oo aysan sugin ilaa laga xalinayo dhibaatooyinka ka jira Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com