Axmed MADOOBE oo isku shaandheyn cusub ku sammeeyay golihiisa wasiirada (Aqri Magacyada)

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulkaasi uu isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah golahiisa wasiirada.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasaaradaha ay isku shaandhayntan lagu saameysay ay kamid yihiin Wasaarada maaliyada, Wasaarada gaadiidka, Warfaafinta iyo Wasaarada macdanta iyo biyaha.

1-Wasiirkii hore ee maaliyada Maxamed Aw Yuusuf waxaa loo badalay wasaarada macdanta iyo biyaha.

2-Wasiirkii hore ee macdanta iyo biyaha Cabdinuur Cali Aadan waxaa loo badalay wasaarada gaadiidka iyo warfaafinta.

3-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Ibraahin Baajuun waxaa loo badalay wasaarada maaliyada.

Isku shaandheyntaani ayaa imaaneysa xili Hogaamiyaha Maamulka Jubba uu dhawaan Golaha Wasiirada Maamulkiisa ku wargaliyay inuu sameyn doono Isku shaandheyn islamarkaana looga baahan yahay inay u hogaansamaan.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in muddo kooban kadib isku shaandheyn ceynkaani ay uu sameyn doono Hogaamiyaha Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com