Xildhibaan sheegay in JAWAARI uu qaab qaldan u adeegsaday mooshinka baarlamanka Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maalinimadii shalay BF Somalia ay ka hor imaaden Mooshinkii laga gudbiyay Baarlamaanka Jubba, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan Xoosh, ayaa sheegay in ciladu ay tahay mid ka imaaday dhanka Gudoomiyaha BF Somalia, waxa uuna tilmaamay in Mooshinkaasi uu ahaa mid Cabasho ah, Jawaarina uu ka dhigay Mooshin sax ah.

Xoosh waxa uu sheegay in keenista Mooshinkaasi uu ahaa mid ku wanaagsaneyd war-murtiyeed siyaasadeed in arintaasi laga soo saaro, balse gudoomiyaha aan looga baahneyn in mooshin uu ka dhigo.

Wuxuu tilmaamay inuu aad u dhaliilaayo qaabka uu ku bilowday iyo qaabka uu kusoo idlaaday Mooshinka, balse waxa uu cadeeyay in Baarlamaanka waqti dambe uu ku yeelan doono talo arimahaani ku saleysan, hase ahaatee xiligaan ay tahay mid la doonayo oo kaliya in shacabka ay aayahooda ka tashadaan.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa waxaa kamid ahaa “Mudanayaasha soo qoray Mooshinka waxa ay u dhigeen inuu yahay Mooshin, laakiin aniga waxaan qabaa in ay ku saleysan tahay inay tahay dad qaba cabasho, waxa meesha la keenay mooshin ma ahan, sharci ahaan, balse waa war-murtiyeed siyaasadeed in laga soo saaro ayeey ku qumaneyd”

Waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay Xildhibaanka ”Gudoomiyaha lama rabin in uu u qiimeeyo mooshin, sababta aan saas u leeyahay waxay tahay baarlamaanka Federaalka maamul u sameynta gobalada hadda talo u taallo ma ahan, talo wuu ku leeyahay, laakiinse waa waqti dambe”

Waxa uu BF Somalia ugu baaqay inay kala saaran Mooshinka iyo Cabashooyinka, waxa uuna Tilmaamay in inta badan waxyaabaha la horkeenaayo Baarlamaanka uu yahay mid Cabasho ah.

Dhana kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in tani ay tahay kaliya talo balse aysan aheyn canaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com