Akhriso Liiska: Somalia oo sanadkaan laga saaray 10-ka dal ee ugu amniga xun dunida

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adda Global Law and Order Index, ayaa soo saartay warbixin sanadeedka lagu tartan siiyo dalalka ugu amaanka xun dunida.

Hay’adda Global Law and Order Index, ayaa warbixinteeda ku qiimeysay xaaladaha wadamada ay ka jirto amni darada baahsan sida dilalka, Qaraxyada iyo kiisaska muujinaaya amni darada.

Warbixinta ayaa waxaa lagu eegay dhinacyada amaanka iyo xasiloonida guud dalalka ay tusaalaha usoo qaadatay Hay’adda.

Warbixinta ayaa qireysa in dalalka 10-ka ah cel-celis ahaan maalintiiba ay ka dhacaan dilal loo fuliyey si argagax leh iyo weerarro geysta khasaare dhisamasho oo baaxad leh.

Liiska ay soo saartay Hay’adda ayaa waxaa lagu soo qaatay 10ka dal ee adduunka ugu amniga daran waxa ayna kala yihiin:-

1- Sierra-Leone

2-Botswana

3-Dominican Republic

4-Mexoco

5-South Africa

6-Liberia

7-Gabon

8-South Sudan

9-Afghanistan

10-Venezuela.

Dalka Somalia oo ku dhawaad 30 sannadood ku jirtay xaalado degnaasho la’aan ayaa hadda u muuqata mid uga xuub siibaneysa si tartiib-tartiib ah, sida ay aamisan tahay hey’adda Globol Law and Order Index.

Geesta kale, Somalia oo kaalinta koowaad ilaa kaalinta shanaad kaga jirtay wadamada ugu amniga xun ayaa waxaa iminka u suuragashay in sanadkaan ay ka baxdo 10ka dal ee ugu amniga xun.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com