Sawirro: Hal sawir kun erey ka wax sheeg badan!

Waxay yiraahdaan ‘hal sawir kun erey ka wax sheeg badan’, taas oo loola jeedo in hal sawir uu ka muhiimsanyahay, kana gudbin ogyahay fariintii lagu gudbin lahaa kun erey.

Sawirrada noocan ah waa kuwa dhif iyo naadir ah, mana ahan kuwa ay u suurtogasho in ay qaadaan sawir qaadayaasha inta badan. Sidaas awgeed boqolaalkii sawir qaade ee ku sugnaa xarunta shirarka Canada ee dalalka G7 ma aysan u suurtogalin in ay qaadaan sawir kan la mid ah, marka laga reebo midkood oo gudaha u galay qolkii ay ku shirayeen hoggaamiyeyaasha, uuna ka socday gorgortankii adkaa.

Xaalado aan caadi ahayn ayaa laga filayay shirka hoggaamiyeyaasha 7da dal ee xagga warshadaha ugu horumarsan ee Canada ka socday, balse waxaa xaaladaas si dhab ah u muujiyay sawir lagu soo daabacay bogga Instagram-ka ee hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel.

Dadka sawirka ka muuqda waxa ay kala yihiin kuwa soo socda.

1. Donald Trump, Madaxweynaha Maraykanka

Sawirka waxaa ka muuqda Donald Trump, madaxweynaha Maraykanka oo fadhiya, isaga oo gacmaha is dulsaartay, gafuurkana taagaya, waxaana sawirka laga dheehan karaa in uu wax badan diidanyahay, inta kale ee dul taagana ay isaga isku dayayaan in ay qanciyaan.

Trump ayaa ka naxsaday dalalka ay xulufada ugu dhow ahaayeen sida EU, Mexico iyo Canada kadib markii uu canshuur boqolkiiba 25% kusoo rogay birta iyo 10% oo canshuur ah kusoo rogay naxaasta loo dhoofiyo Maraykanka, dalalkana ay dhoofiyaan. Dalalkan dhammaadtood waxa ay ku hanjabayaan in ay qaadi doonaan talaabo aargudasho ah.

Trump ayaa shirka ka baxay ka hor hoggaamiyeyaasha kale, isaga oo ka cawday in Ameerika la dhacayo.

Kadib Ra’isulwasaaraha Canada Justin Trudeau ayuu ku tilmaamay nin “Qiyaanoole ah, islamarkaasna daciif ah”, taasna waxa ay dhacday kadib markii Trudeau uu ka hor yimid go’aanka Trump.

2. John Bolton, La taliyaha amniga Maraykanka

Ninkan muddo 3 bilood oo kaliya ayuu la shaqeeyaa Trump, balse saamayntiisa durba waa ay muuqataa. Mid ka mid ah waxyaabaha Trump uu ku salaynayo doodda canshuurta uu kordhiyay ayaa ah ‘Amniga Qaranka’, fikirkaas oo ah mid kasoo fuley John Bolton.

Waa nin lagu tilmaamo in uu yahay mid mayal adag, inta badana Trump siiya tallooyin ku saabsan go’aanada la yaabka leh ee uu qaato.

3. Kazuyuki Yamazaki, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Japan

Waxaa la dalacsiiyay bishii July, 2017-kii, waxa uu dhawaan wafti heersare ah u horkacay dalka Pakistan, wuxuuna qeyb ka ahaa wadahadalo dhexmaray Japan, Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed oo ku saabsan heshiis ganacsiga xorta ah.

4. Shinzo Abe, Ra’isulwasaaraha Japan

Waxa uu gudaha dalkiisa kala kulmay caddaadis badan oo ku saabsan in uu qaado tallaabooyin aargudasho ah oo ka dhan ah go’aanka Maraykanka. Waxa uu aad isugu dayay in uu xiriir wanaagsan la yeesho Trump, illaa iyo 10 jeerna waa ay kulmeen labada nin tan iyo intii Trump loo doortay Aqalka Cad.

5. Yasutoshi Nishimura, Ku xigeenka xoghayaha golaha wasiirada Japan

Waa xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee Japan, wuxuuna mar ka shaqeeyay wasaaradda ganacsiga caalamiga ah iyo warshadaha.

6. Angela Merkel, hoggaamiyaha Jarmalka

Waxa ay hormuud u ahayd wadahadalada, sida sawirka ka muuqata waa iyada qofka hadlaya ee la wada dhagaysanayo, una muuqda in Trump ay ku qancinayso wax uu isagu diidanyahay.

Mar wax laga weeydiiyay xiriirka ay kala dhaxeeya Trump ayay sheegtay in ay jiraan waxyaabo ay isku fahmi waayaan mararka qaar, balse ay markasta dhankeeda u furantahay wadahadalo.

7. Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska

Trump ayay Twitterka isku weeydaarsadeen hadalo kulkulul saacado ka hor shirka, taas oo keentay in saaxiibtinimadoodii bullaalaysay ay hadda wiiqantay. Balse waxaa dib laga arkay in ay isku wanaagsanyihiin labada nin.

Markii uu Trump weeraray Ra’isulwasaaraha Canada, Macron waxa uu sheegay in inkaashiga caalamiga ah aanan lagu maareyn karin carro lala burqado iyo hadalo la iska dhoho.

8. Theresa May, Ra’isulwasaaraha UK

Mar ay taleefoon kula hadashay Trump todobaadkii hore, waxa ay u sheegtay in canshuuraha dheeraadka ah ay yihiin kuwa aanan marmarsiimo lagayn, islamarkaasna laga murgo. Balse markii ay shirka tagtay, hadalkeeda waxa uu ahaa mid ay ka muuqato waanwaan, iyada oo hoggaamiyeyaasha ka codsatay in ay ka fogaadaan dagaal ganacsi.

9. Larry Kudlow, agaasimaha guddiga qaran ee maaliyadda Maraykanka

Waa mid kale oo ka mid ah la taliyeyaasha sare ee Trump, wuxuuna aad u difaacay go’aanka madaxweynaha ee canshuuraha dheeraadka ah. Shirka kadib waxa uu CNN u sheegay in madaxweynaha iyo kooxdiisa ay shirka ku tageen niyad saafi ah, balse Trudeau uu “dhabarka mindi ka galiyay”.

Xagal Kale

Madaxweynaha Faransiiska ayaa isna faafiyay sawir uu ka qaaday isla kulankaas, balse waxa uu ka qaaday xagal kale, wuxuuna sawirka muujiyay sida loogu xoonsanaa meesha.

Sawir kale oo uu qaaday sawir qaadaha rasmiga ah ee Mr Trudeau Adam Scotti ayaa muujinaya xaalad la wada faraxsanyahay, iyada oo ay wada qoslayaan Mrs Merkel , Mr Trump iyo Mr Trudeau.

Lama oga waxa ay ku wada qoslayeen, balse waa wax iska caadi ah in ay hoggaamiyeyaasha adduunka wada kaftamaan.

Sawirka Merkel ayaa baraha bulshada ka dhaliyay maad iyo ximaar, iyada oo dadka qaarkood ay kaligood fasiranayeen waxa meesha ka socda.

ISHA BBC