Cadaado (Caasimadda Online) – Iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay maanta ansixiyeen wasiiradii cusubaa ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Xaaf, ayuu haddana madaxweynaha maanta magacaabay wasiiro u dhinnaa oo laga sugayey inuu dhameystiro.
Waraaq ku asteesneyd 24 Bishaan ayuu Madaxweynaha Galmudug ku magacaabay wasiiro cusub oo buuxinaya wasaarado la sheegay inay banaanaayeen.
Wasiirada cusub ee la magacaabay waxaa ka mid: wasiirada Maaliyadda iyo Qorsheynta, wasiiru dowlaha Gargaarka bini aadanimada, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga iyo kheyraadka.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso wasiirada cusub


