Dowladda Soomaaliya oo guddi u saartay dhacdadii Bariire

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay dhacadii ka dhacday deegaanka bariire ee gobolka Sh/Hoose, sida uu SONNA u xaqiiyey wasiirka Amniga Soomaaliya oo gudoomiye u ah guddigaasi.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in la sameeyey guddi baaritaan dhab ah ku sameeya dhacdadii Bariire, islamarkaana aan laga hari doonin inta laga xaqiijinayo waxa sababay dhacdadaasi.

Guddigan ayaa looga fadhiyaa in baaritaano dhab ah ay ku sameeyaan dhacadaasi si bulshada loola wadaago xaqiiqda waxa ka dhacay deegaanka bariire ee gobolka Sh/Hoose.

“Guddi baaritaan ku sameeyay dhacdadii Bariire ayay dowladdu u saartay, lagama hari doono inta laga xaqiijinayo waxa sababay arrintaas”ayuu yiri Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow.

Guddigan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Amniga, waxaa xubno ka ah Wasiiro iyo saraakiil ciidan, kuwaasoo lagu wado inay tagaan goobtii uu falka ka dhacay.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaano, Taliyaha Ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo deg deg ka yeelanayay dhacdadan oo noqotay mid jahwareer badan dhalisay qaababka ay uga hadleen Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya.