Akhriso: Magacyada iyo Beelaha ay kasoo kala jeedaan dadkii lagu laayey Bariire

Muqdisho (Caasimadda Online ) – Baaritaan dheer la sameeyay ka dib waxaa la soo ogaaday Beelaha ay ka soo kala jeedaan 10-ruux ee lagu dilay duqeyn saakay waabarigii ka dhacday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha.

10-Ruux oo la sheegay iney isku Qoys ahaayeen ayaa ahaa Beeraley kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Bariire markii duqeynta Ciidamada Mareynkanka ay fulinayeen.

7-ka mid ah dadka la laayay ayaa ka soo jeeda Beesha Habar-gidir, 3-ceyr, 3-saruur 2-saleebaan halka mid ka mid ah dadka la laayay uu ka soo jeedo Qabiilka cowra Male,midka kalena uu yahay jidle.

Meydka 10-ruux ayaa maanta la keenay magaalada Muqdisho iyagoo lagu soo bandhigay Cisbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho.

Waa dhacdadii labaad oo ay ciidamada Mareynkanka ka geystaan Soomaaliya,dhawaan ayay markii 7-Ruux oo isku qoys ay Mareynkanka duqeyn ugu dileen deegaan Hoostaga degmada Jilib ee deegaanada Jubba Land.