Muqdisho (Caasimada Online) –Â Waxaa maanta lagu wadaa in mar kale ay magaalada Muqdisho ka bilaabato Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Beelaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana la dooran doonaa 3 kursi oo qura.
Doorashada ayaa waxaa ku loolamaaya Musharaxiin dhowr ah kuwaa oo ay ku jiraan Siyaasiyiin lasoo shaqeeyay Dowladihii KMG ahaa.
Musharaxiinta uu loolanka u dhexeeyo ayaa kala ah:
Waxaa kursiga 1aad ku tartami doona
1-Xuseen Ceelabe Faahiye
2-Maxamed Aadan Waaberi
3-Axmed Cabdi faahiye
4-Ayuub Ismaaciil Yuusuf.
Kursiga 2aad waxaa ku tartami doona
1-Hodan Abuukar Xasan
2-Deeqo Xasan Xuseen
3-Amran cilmi fariid.
Kursiga 3aad waxaa ku tartami doona
1-Cumar Maxamed Aadan
2-Nuuro Faarax Jaamac
3-Caasho Axmed Cabdalaah.
Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi, ayaa sheegay in gudaha Asbuucaani lasoo gabagabeyn doono Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

