Muqdisho (Caasimada Online)-Caasimadda Muqdisho waxaa soo gaaray qaar ka mid ah Madaxda Maamulada dowlad goboleedyada oo ka qaybgalaya shir muhiim ah oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya ka hor shirkadda London ee bisha dambe.
Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabisay DFS, waxaana ka qaybgalaya madaxweynah maamulka Puntland Cabdiweli Gaas oo galabta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale ka qeybgali doona madaxweynayaasha maamulka jubaland Axmed Madoobe, Koofur Galbeed Shariif Sheekh Aadan, Hirshabelle Cali Cosoble iyo Madaxweyne k/xigeenka Gal-mudug.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha kala ah:
1-Qodobada lala hortagi doono shirka London.
2-In shirka looga danbeeyo Dowlada Federaalka ah ee Somalia.
3-In dowlada Federaalka Somalia ay goob joog ka noqoto Heshiisyada u dhexeeya Maamulada iyo dowladaha shisheeye.
Ilo dhinaca diblomaasiyada ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inuu dhaco is bar-bar yaac madaxda qaarkood ee ka qeyb galka shirka London.
Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in shirka uu noqdo mid guud oo masiirka dalka looga hadlo, isla markaana dowladda Federaalka ay hoggaamiso, ayna ula tagaan hal ajande oo mid ah.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa lagu wadaa inay shir guddoomiyaan shirka London ee dhici doona bisha soo socota May.
Shirka ayaa waxaa ka qaybgalaya wadamo badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana la filayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain inay shir guddoomiyaan shirka London ee dhici doona bisha soo socota ee May.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

