Akhriso: Qodobada diirada lagu saari doono shirka horu dhac u ah shirka London ee ka dhacaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho uu ka furmo shir horu dhac u ah shirka magaalada London ee dhacaya 11-ka bishan.

Shirka ayaa ka furmi doona xarunta Xalane waxaana si wada jira uga qeybgali doona Madaxda DFS iyo kuwa Beesha caalamka ka jooga Somlia.

Kulankan ayaa u muuqda mid ka heer sareeya shirarkii dhacay maalmihii aynu soo dhaafnay, waxaana la filayaa in ay ka qeyb-galleen wafuud ka ballaaran intii hore.

Shirka ayaa lagu wadaa in laga gaaro hishiisyo khuseeya iskaashiga caalamiga ee Somalia iyo beesha Caalamka.

DFS iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay is faham ka gaaraan qorshayaasha lala tagayo shirka London, gaar ahaan siyaasadaha horumarineed ee muhiimadaha koowaad la siinayo sanadaha soo socda.

Qodobada diirada lagu saarayo shirkaani ayaa waxaa kamid ah :

1-Dib u eegis lagu sameynaayo qodobada ay Madaxda Soomaalida la hor tagi doonaan Shirka London.

2-Dib u milicsiga Heshiiska wada jirka ay gaaren Madaxda dowlada iyo Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ee ku saleysan hab dhiska ciidamada.

3-Sharaxaada Baraha la filaayo in laga howlgalin doono ciidamada 18kun ee la dhisaayo.

4-Daraaseynta Miisaaniyada rasmiga ah ee ku bixi doona dhismaha, Xuquuqda iyo qalabeynta ciidamada.

Shirkaani waxa uu aad uga weyn yahay shirar isna hordhac ahaa oo maalmahaani ka dhacaayay magaalada Muqdisho, iyadoo uu shirkaani ka danbeyn doono hal shir oo lagu kala qaadan doono Dokumiintiyada loo qaadi doono London ka hor inta aanu furmin shirka.

Dhinaca kale, DFS ayaa rumeysan in shirka maanta ka furmi doona magaalada Muqdisho iyo kan London ay ahmiyad u leeyihiin Somalia.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET