Akhriso Qoraalka Rasmiga ah ee DP World oo Dowladda Itoobiya lagu siiyey Saami ka mida Dekadda Berbera

Dubai (Caasimadda Online) – Heshiis saddex geesood ah oo ay wadagaleen shirkadda dekedaha ee DP World, Somaliland iyo Itoobiya; ayaa dowladda Itoobiya la shaaciyay inay si rasmi ah qeyb uga noqotay maamulka Dekadda Berbera.

Heshiiskan oo maanta ka dhacay magaalada Abu Dhabi ayaa DP World waxa ay yeelaneysaa maalgashiga dekedda Berbera saami dhan 51%, halka ay Somaliland yeelaneyso 30%; Itoobiya ayaa oo DP World u aqoonsatay heshiiska ka noqoto dhinac Istiraatiijia ah, iyadoo la siiyay saami gaaraya 19%; iyada oo Itoobiya maalgashan doonto dhismaha muhiimka u ah dekedda Berbera.

Guddoomiyha Shirkadda DP-World Axmed Bin Suleymaan ayaa ku sheegay heshiiska u dhexeeya shirkaddiisa DP-Worl, Somaliland iyo Itoobiya mid waxtar leh, isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay hirgelinta fursad ay kuwada shaqeeyaan Itoobiya oo ku sheegay in ay tahay waddanka 110; milyan oo dad ah.

Sacad Cali Shire; Wasiirka arrimaha dibadda, iskaashiga & xiriirka caalamiga ah ee Somaliland ayaa sheegay dhankiisa in mashruucani yahay mid aad muhiim ugu ah Somaliland; kaas oo xal u noqon doona mashaakil ay wajaheysay Somaliland; sida shaqo la’aanta iyo maalgashiga.

Heshiiska dekeda Berbera ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo dowlada Jabuuti ay ka laabatay heshiis ay  shirkadda DP WORLD ku dhiseysay dekeda Dooraale ee dalkeeda.