Akhriso: Somalia oo mar kale kaalmaha koowaad ka gashay heerka Musuq-maasuqa

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa mar kale kaalmaha ugu horeeya ka gashay Musuq-maasuqa kadib warbixin ay soo saartay Hay’adda Transparency International ee la dagaallanta Musuq maasuqa.

Hay’adda Transparency International ayaa warbixinteeda ku sheegtay in Somalia uu weli ka jiro Musuq-maasuq halakeeyay sharciyada.

Liis dheer oo ay soo saartay Hay’adda ayaa muujinaaya in Somalia oo ka mid ah Wadamada Qaarada Afrika ay kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa.

Liiskan sannadlaha ah ayaa dhinacyada uu qiimaynta ka eego waxaa ka mid ah ‘’laaluushka iyo madaxda oo xukuumadaha oo aan lagu ciqaabin musuq maasuqa’’.

Hay’adda Transparency International oo xiganeysa khuburo sameeyay baaritaano ayaa sheegtay in dalalkaan la soo saaray heerka uu gaarsiisan yahay musuqa ka jira lagu cabiray 1 illaa 100,dalalka ugu horeeyana ay ka mid yihiin Somalia iyo Suudaanta Koonfureed.

Somalia iyo Suudaanta Koonfureed ayaa warbixinta lagu sheegay in ay yihiin dalalka ugu Musuq maasuqa badnaa Sanadkii lasoo dhaafay , waxaana la siiyay dhibo dhan ah 9 oo Soomaaliya ah iyo 12 oo ah Suudaanta Koonfureed.

Dalalka Denmark  iyo Finland ayaa iyana helay  85 iyo 88  kuwaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin wadamada ugu musuq maasuqa yar Caalamka.

Dhinaca kale, waxaan jirin dal ilaa iyo hadda helay boqolka dhibcood, waxaase 89 helay dalka New Zealand, halka Finland iyo Denmark ay heleen 88 iyo 85 , kuwaas oo ah dalalka ugu musuq maasuqa yar yahay.

Xigasho: transparency

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com