Sawirro: Sidee Jeelka Ogaadenia looga sii daayay Maxaabiista Jabhada Mucaaradka ee ONLF

Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa sii deysay in ka badan 1,500 oo maxaabiis ah, kuwaa oo ku eedeysnaa inay Xubno ka yihiin Jabhada ONLF.

Maxaabiistan oo ay ka muuqatay caafimaad daro ayaa laga sii daayey xabsiga lagu magacaabo ‘’Jeel Ogaadeeniya’’ oo ku yaalla Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Somalida dalka Ethiopia.

Maxaabiistaan siideyntooda ayaa lagu soo beegay xili magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu wadahadal uga furmay dowlada Ethiopia iyo ONLF.

Dowladda Ethiopia ayaa dhawaan si deysmadan lamid ah xabsiga uga sii deysay boqolaal ka mid ah Kooxaha Mucaaradka ah ee Oromadda.

Hoggaamiyaha maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamud Cumar, ayaa kaalin weyn ka qaatay deysmada Maxaabiista.