Kheyre & C/raxmaan C/shakuur oo kulmay & Heshiis Xeerjajab lagu xalinayo Xiisadii labada dhinac

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kiiska weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee dhaliyey xiisad siyaasadeed iyo mid sharci ayaa ugu dambeyn la sheegay in lagu xalinayo qaab xeerjajab ah.

Xogta ayaa sheegeysa inay arrintan muddo ku dhex jireen xubno uu horseed u yahay Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana arrintan darteed muddo laba jeer ah kulan yeeshay markii ugu horeysay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Laba dhinac ayaa waanwaantoodu mareysaa heer gabagabo ah, iyadoo la isla meel dhigay heshiis la gaaro xaaladii ka dhalatay weerarkii lagu qaadya Guriga Siyaasiga oo ay ku dhinten 6 ka mida ilaaladiisa, isagana lagu dhaawacay.

Caasimadda ayaa ogaatay in la joojinayo dacwadii C/raxmaan C/shakuur ee maxkamadda Rafcaanka G/banaadir oo hore loo hakiyey, iyadoo dowladda ay qaab dhaqameed u bixin doonto magdhowga askartii ay ku leysay weerarkii 17-ka Disembar ka dhacay Guriga C/raxmaan C/shakuur.

Waresysi dhowaan lala yeeshay Siyaasiyga ayuu ku sheegay inuusan waxba kala socon halka ay ku danbeysay dacwadii loo heystay, isla markaana aanu ka harin ilaaladiisii lagu laayey Gurigiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com