Dadaal lagu doonayo in lagu heshiisiiyo Farmaajo iyo Thaabit oo socdo iyo Guddoomiyihii hore oo shardi adag ku xiray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Inkastoo ay horey u fashiltamatay isku day lagu doonayo inay isku arkaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa haddana wararka hadda soo baxayo waxay sheegayaan in arrintaas dib loo soo cusbooneysiiyey.

La taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Siyaasadda Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa hadda wado olole cusub oo lagu doonayo in lagu heshiisiiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Tarsan oo xiriir dhanka Taleefoonka ah la sameeyey Guddoomiyihii hore ee Thaabit oo ku sugan dalka Turky ayaa ka codsaday inuu aqbalo inuu la kulmo Madaxweyne Farmaajo si looga wada hadlo xiisadda taagan iyo sidii uu Thaabit ula shaqeyn lahaa dowladda Farmaajo.

Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la kulanka Madaxweyne Farmaajo ku xiray shardi ah in Madaxweynaha la waydiiyo sababta keentay inuu ka baxo ballantii ay wada galeyn inta aan la dooran oo aheyd in Gobolka Banaadir loo sameeyo Maqaam isla markaasna arrintaas looga dambeeyo Thaabit.

Thaabit ayaa ku doodayo in isaga laga gardaran yahay isla markaasna looga baxay ballantaas uuna doonayo in arrintaas wax laga waydiiyo Madaxweyne Farmaajo.

Tarsan iyo xubno kale ayaa la kulmay markaas kadib Madaxweynaha waxayna waydiiyey su’aashii uu Thaabit usoo dhiibay, wuxuuna Madaxweynaha sheegay inay sax tahay ballantaas lala galay Thaabit, Balse uu isaga deg deg ka dhig wixii dhan xilli ay saaran yihiin culeysyo badan.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay weli ka go’an tahay inuu Thaabit noqdo qofka kaliya ee keeni doono Maqaamka Gobolka Banaadir, wuxuuna codsaday in si deg deg ah loo kulansiiyo labadooda.

Thaabit ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo soo gaaro Magaalada Muqdisho, waxaana la qorsheenayaa inay labada dhinac yeeshaan kulamo xasaasi ah oo lagu xalinayo waxyaabaha taagan si meesha looga saaro mugdiyada jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com