Wasaaradda Amniga: “Gaari Qarax sida oo loo ekeyiisay Gaadiidka Shirkadda Sahal ayaa ku jira Muqdisho..”

Muqdisho (Caasimadda Online) _ Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Magaalada Muqdisho uu ku dhex jiro Gaari walxa Qarxa sida oo la doonayo in loo adeegsado Qarxin goobo mucayin ah.

Wasaaradda ayaa maanta shirkii Golaha Wasiirada ka sheegtay in Gaari nooca NOAH oo loo ekeyiisay Gaadiidka Shirkadda Sahal ee Muqdisho, kaasoo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, iyadoo ay ku daba jiraan ciidamada amniga magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ayaa ku daba jira Gaarigaasi Noah-da ah ee ay ku jiraan walxaha qarxa sida uu sheegay siihayahay xilka Wasiirka Warfaafinta sidoo kalena ah ku xigeenka wasiirkaas C/Raxmaan Iidaan Yoonis oo kulankii wasiirrada u aqrinayay Warbaahinta ayaa shacabka Muqdisho u sheegay in ay is ilaaliyaan.

Laamaha amaanka ayaa la sheegay inay isha ku hayaan Gaarigaasi ee ay ku jiraan, sida lagu sheegay qoralkii kasoo baxay shirka golaha wasiirada oo uu akhriyey Wasiir ku xigeenka wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis.

Waa markii ugu horeysay ee Wasaaradda Amniga ay shaaciso gaari lagu daba jiro oo leh astaamo shirkad ganacsi oo ka howlgasha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Kulanka Golaha Wasiirrada ee maanta oo ka mid ahaa kulamada todobaadlayaasha ayaa warbixinno looga dhegeystay Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com