Sawirro: Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Turkiga oo khudbad u jeediyay Askarta Soomaalida ee Turkigu tababarrayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Hakan Cavusoglu iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Çavuşoğlu‏ oayaa booqday xarunta lagu Tababaro Ciidanka Militariga Soomaaliya oo ay Turkigu ka hirgeliyeen magaalada Muqdisho.

Hakan Çavuşoğlu ayaa khudbad u jeediyay askarta Soomaalida ee dowladda Turkigu ku tababarto Saldhigga Muqdisho, isagoo ka hadlay xiriirka Somalia iyo Turkiga, wuxuuna sheegay in labada dal uu dhex maray heshiis milateri oo lagu taageerayo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.