C/kariin Guuleed oo su’aal ka keenay Musuqa Dowladda: “Xagee Salaadu iska qaban la’dahay..?”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, horena u soo noqday wasiir C/kariin Xuseen Guuleed ayaa su’aal ka keenay in Soomaaliya ay sanadkii 2017 kaalinta koowaad ka gashay dalalka ugu musuqa badan dunida.

C/kariin Guuleed oo ahaa mid ka mida saaxiibadii ugu waaweynaa ee madaxweynihii hore Xasan Sheekh, isla markaana la sheego in xilka madaxweyne ee Galmudug uu ku helay lacag dowladda Soomaaliya ku bixisay ayaa is weydiiyey: War halkee Salaaddu iska qabsan la’dahay!?

“Sidaan la waxada socono Barnaamijka Xukuumadda ay soo bandhigtay inay ku hawlgaleyso waxaa aasaas iyo gundhig u ahaa la dagaalka iyo ciribtirka Musuqmaasuqa iyo wax isdabamarsiinta xagga maamulka iyo maaliyadda intaba, meel kasta oo ay madaxda sare ee xukuumaddu ka hadleysayna sanadkii 2017dii waxay khudbadahooda diiradda ku saarayeen arinkaas kor ku xusan, bulshada Soomaaliyeed inteeda badanna arinkaas waa u guuxeen waana soo dhaweeyaan…” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo soo xigtay warbixinta Hay’adda International Transparency.

Wuxuu sheegay in in Hay,adda Caalamiga ah ee Daahfurnaanta ay warbixin sanadeedkeedii 2017 ku sheegtay in Soomaaliya ay gashay xagga qiimeynta dalalka uu musuqmaasuqu dilooday dalka ugu ugu sareeyo dunida, waliba sanadkii 2017kiina uu noqday mid ka sii musuqmaasuq badan sanadkii ka horeeyay ee 2016-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com