Akhriso: Tirada qaraxyadii magaalada Muqdisho ka dhacay bishii June ee 2018

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bishii Jun ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii kasii horeysay.

Qaraxyada dhacay bishii Jun ee lasoo dhaafay ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday Gawaari Ismiidaamin ah oo siyaabo kala duwan uga dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxyada bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 7 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro xoogan.

HOOS KA AKHRISO QARAXYADA IYO XILIYADA AY KALA DHACEEN

1-Jun 7, 2018, Qarax lagu xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Xaaafada suuqa Xoolaha ee degmada Yaaqshiid, waxaana lagu dilay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Yaaqshiid kaas oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Geedi Farayare.

2- June 15, 2018, Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Isgoyska Ifka Xalane qeybta degmada Dayniile.

3- Jun 20, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Isgooska Xaaji Baasto wadada Makka Al-Mukarama ee degmada hodan,waxaana ku dhaawacmay Qaraxa Wiil iyo Gabar wada socday.

4- Jun 22, 2018, Koox hubeysnaa ayaa bamgacmeedyo ku weeraray xarunta degmada Waabari ee Gobolka Banaadir xili halkaa ay ka soctay munaasabad.

5-June 23, 2018, Qarax lagu xiray Gaari nooca raxada ah ayaa waxa uu ka dhacay degmada Waabari  gaar ahaan waaxda Hanti Wadaag, qaraxa ayaa waxaa gaariga loogu xiray Sarkaal ka tirsan Booliska.

6- June 30 2018, Qarax bambaano ayaa waxaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa Isgoska Baar ubax ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay 4 Qof oo 3 kamid ah shacab yihiin.

7- Jun 30, 2018, Qarax miino ayaa lala eegtay Gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan NISA kaa oo ka dhacay deegaanka Xaawa-Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxyada dhacay Bishii Jun ee lasoo dhaafay ayaa aad uga yar Qaraxyadii dhacay bilihii hore ee tagay waxaana muuqaneysa in hoos u dhac uu ku imaanayo Qaraxyadii badnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com