Akhriso: Tirada rasmiga ah ee guryahooda uga qaxay colaada ka taagan Tukaraq

Garoowe (Caasimada Online) – Colaado u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu wali ka taagan yahay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Colaadani oo muddo bilo ah taagan ayaa waxaa ku naf waayay shacab badan, halka kuwo intaa kasii badan ay ku barakaceen.

Dadka ugu badan ee ku barakacay colaada ayaa ahaa kuwa ku nool guryaha ku dhow dhow jiida uu dagaalka ka socdo.

Peter De Clerk, oo ah ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa sheegay in QM ay diiwaanka ku darta tirada dadka ku barakacay dagaalka oo aad u badan.

Peter De Clerk, waxa uu sheegay in colaada ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan (12 Kun) oo qof.

Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud QM Mr. De Clerk ayaa dhinacyada is horfadhiya ugu baaqay in ay ka fogaadan baacsiga ay isku hayaan si ay nabad u helaan dadka deegaanka.

Mr. De Clerk oo ka hadlaayay barakaca ka dhashay dagaalka ayaa yiri “Ugu horeyn gobolada Sool iyo Sanaag waa meelo ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo, sidaasi darteed weli waxa ay ka mid yihiin meelaha ay colaadaha ka jiraan, khilaafkan waxaa ka dhashay inay ku barakacaan 12 Kun oo qof”

“Waxan ugu baaqayaa dhinacyada in aysan colaad kale hurin, sababtoo ah taasi waxay abuureysaa qalalaase kale”

Sidoo kale, Mr. De Clerk ayaa sheegay inay telefoonka kula hadleen Madaxda labada maamul, isaga oo tilmaamay in dadaalkooda halkaasi uusan ku ekeyn balse Hargeysa iyo Garowe uu u tagay sidii loo sii wadi lahaa xabad joojinta.

Dhinaca kale, dalal iyo hay’ado kala duwan ayaa horey baaqyo nabadeed ugu diray Somaliland iyo Puntland, waxaana ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com