Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka maamulka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Maamulka Turkish Airlines oo bishii Febraayo bilowgeedii joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ay la imaaden shuruud adag oo ku aadan dib u howlgalkooda.
Wararku waxa ay sheegayaan in Maamulka Shirkada ay xujo ka dhigeen dhowr qodob oo muujineysa inay ku doonayaan qabsashada maamulka Garoonka Aadan Cadde, kadib qaraxii lala beegsaday diyaaraddii Daallo Airlines xili ay hawada ku jirtay.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in shirkadda Turkish Airlines ay dalbaday in lagu wareejiyo maamulka howlaha garoonka iyo sugida amaanka si aysan u dhicin dhibaato kale iyo in ay badbaadiso shaqaalaheeda ka howlgala Garoonka Aadan Cadde.
Maamulka Turkish Airlines oo shuruudaasi usoo gudbiyay Maamulka Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxa ay sidoo kale, Maamulka Turkish Airlines ballanqaaden haddii loo ogolaado shuruudaasi ay kordhin doonaan Diyaaradaha ka howlgala Garoonka oo ay iyagu leeyihiin.
Arrintaani ayaa wax u dhimi karto maqaamka ay Dowlada Somalia taagantahay iyo hannaanka ay dakhli ugu heli laheyd canshuurta garoonka oo dakhli badan ay ka hesho.
Turkish Airlines, ayaa dooneysa inay isku ballaariso Garoonka Aadan Cadde, waxa uuna qorshaheedu yahay inay sara qaado duulimaadyada si ay u hesho dakhli badan oo ay heli laheyd Dowlada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

