Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Xukuumada Somalia Ducaale ayaa amar kusoo rogay dhammaan Wasiirada iyo Xildhibaanada labada Aqal ee DF inay diiwaan galshaan Hubka ay ku dhex wataan gudaha magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa Mas’uuliyiinta ku amray in Hubka ay wataan muddo dhan 14 cisho ay kaga soo diiwaan geliyaan Xarunta CID-da.
Wasiirka waxa uu sidoo kale Mas’uuliyiinta DF ku amray in CID-da ay kasoo diiwaan galiyaan xitaa ilaalada ay wataan iyadoo loo sameyn doono sharciyo lagula xisaabtami doono Askarigii fal u geystaa shacabka.