Al-Cadaala oo faah-faahiyey sida ay maanta wax u dhaceen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa si adag uga hadlay isku deygii ciidan ee saaka looga hor istaagay Ra’iisul Wasaaraha in uu tago xafiiskiisa.

Al-Cadaala ayaa sheegay in ciidamadii gudaha u galay xafiiska Rooble ay markii hore sameeyen amar diido, kadib markii ay la hadleen wasiiradii iyo taliyayaashii ciidamada, ayaga oo qaadanaya amarka madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“Ciidamadii qalabka siday qeybo kamida ah ayaa loo isticmaalay inay xoog ku qabsadaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo halka ay xukuumadda ka shaqeyso, iyaga oo isticmaalaya beebayaashii ciidamadii xooga dalka,” ayuu yiri.

“Markii dambe ayaa lagu guuleystay in qeybo kamid ah dib uga baxaan ciidamada, taasi oo keentay in ra’iisul wasaaraha uu yimaado xafiiska, waxa magaalada ka socda khilaaf iyo wax labo shaqsi isku hayaan oo caadi ah maaha waa xukun ku maroorsi si sharciga ka baxsan, taasina wax aan afgembi aheyn uma naqaan.”

Waxa uu intaas kusii daray in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uusan laheyn sharciyad uu shaqada kaga joojiyo Ra’iisul Wasaaraha, maadama ay dhamaatay muddadii sharciga ahaa ee loo doortay kursiga uu ku dhagan yahay.

“Ra’iisul wasaaraha waa xukuumad xil-gaarsiin ah oo dastuurka ayey ku qoran tahay, mudada u dhaxeysa marka uu dhamaado hay’addaha xilka haya iyo inta ay ka imaaneyso dowlad cusub oo sharci ah oo lasoo doortay, taas ayuu Ra’iisul Wasaaraha ka shaqeynaya.”

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu saaka isku dayay in awood ciidan uu Ra’iisul Wasaaraha uga hor istaago xafiiskiisa, kadib shaqo joojintii sharci darada aheyd ee uu xalay saqdii dhexe soo saaray, kaasi oo fashilmay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: