Ciidamada Badbaado Qaran oo caawa qabsaday xaafado ku dhow VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiishii ciidanka badbaado qaran oo hadda shir jaa’id ku qabtay meel u muuqata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku goodiyey inay soo qabanayaan Madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sarkaalkii u hadlay ciidanka badbaado qaran ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka hor wareego oo mudo dambe uusan u qaban, si Farmaajo ay u soo qabtaan.

Sidoo kale sarkaalkaan oo shirka jaraa’id ku qabtay afaafka hore ee barta Control ee u dhaw taalada Sayidka ee laga ilaaliyo madaxtooyada dalka ayaa sheegay in hadii dagaal dhaco aysan burburi doonin wax ka badan halka kilo mitir ee Farmaajo uga jiro Muqdisho.

“Dhowr bilood ka hor ayaan ka tagnay halkaan, kadib markii uu na amray R/Wasaare Rooble, xiligaas waxaan ogeyn in Farmaajo uusan ka bixi doonin madaxtooyada, balse waxaan qadarineynay ra’isul wasaaraha, maanta ma laaba doono, anagoo soo qaban Farmaajo, isagaa nagu kalifaya inaan soo qabano,” ayuu yiri sarkaalkaan.

Ciidanka badbaado qaran ayaa Rooble ka codsaday inuu ku fasaxo inay soo qabtaan Farmaajo, “Waxaan ka codsaneynaa Rooble in waqti dambe uusan noo soo qaban oo uu naga hor wareego, Rooblow hana gaarsiin inaan anagu kala dhimano,” ayuu yiri.

Sarkaalka u hadlay badbaado qaran ayaa intaas ku sii daray, “ Waxaa idiin cadeynayaa hadii burbur dhacaayo, waxaa burburi doona halka KM ee Farmaajo ku jiro, intaan ka badan nagu sii xad gudbi maayo, bulshadana waxaan ka codsaneynaa garab istaag.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: