Al-Cadaala oo shaaciyey arrin ay billowday Al-Shabaab, kadib kacdoonka shacabka

Muqdisho (Caasimasa Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa si faahfaahsan uga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kacdoonka shacab ee ka billowday gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in haatan kooxdu wajaheyso cadaadis xoogan oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka uga imaanaya, balse wuxuu tilmaamay in hadda ay billowday xeelad cusub oo isaga jeedineyso dagaallada ku socdo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay billowday isku dirka beelaha, isla-markaana ay jiraan dad ay lacag ku siisay arrintaas, si ay isaga horkeenaan beelaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay ku raadjoogaan dadkaasi, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Waxa kale oo uu xusay in hay’adaha ammaanka ay la socdaan arrintaan, islamarkaana ay wadaan dabagal iyo baaris, si looga hortego qorshaha kooxda Al-Shabaab.

Waxa aan heynaa oo caddeymaheeda la hayaa oo qaarkood Hay’adaha Sharciga & ammaanka daba socdaan Dad Al-Shabaab ay lacag ku siiyeen in ay qabaa’il isku dhuftaan oo qaarkood shaqadaas fuliyay, goobaha inta badan hadda qabiillada la isku dhuftayna waa goobaha culeyska ka jiro oo Al-Shabaab qabaa’ilka Soomaaliyeed kula dagaalamayaan ama iska abaabulayaan” ayuu yiri Al-Cadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ay wadaan ciidamada Xoogga oo kaashanaya Macawiisleyda ee ku sugan HirShabelle & Galmudug.