Al-Shabaab iyo ciidanka DF oo ku dagaalamay Sh/Dhexe

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Dagaalkan oo ay sidoo kale qayb ka ahaayeen ciidanka dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa yimid, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaankaas oo ku yaalla xadka Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan, isla-markaana uu saacado qaatay, kaas oo uu khasaare kasoo gaaray labada dhinac.

General Maxamed Axmed Tareedishe oo ka mid ah saraakiisha hoggoomineysa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo HirShabelle ayaa ka warbixiyay dagaalka ka dhacay halkaasi, kadib markii uu u waramay mid kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho.

Tareedisho ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, welina xerada lagu dagaalamay ay joogaan ciidamada Xoogga dalka & kuwa deegaanka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dagaalkan ay ku dileen ugu yaraan illaa 9 xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, dhankoodana ay ka dhinteen 5 askari, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Macawiisliieyda ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan agagaarka deegaanka Ceel Bacad, isla-markaana ay baadi goobayaan xubnaha kooxda Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay ee ku qaadeen saldhiga Ceel Bacad oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe.

Maalmihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay kula kalaheyso ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada gobollada, waxaana ugu dambeeyay weeraro ay shalay ku qaaday Sabiid iyo Afmadow oo ka kala tirsan Sh/Hoose iyo Jubbada Hoose.