Guudlaawe oo war kasoo saaray dilkii C/raxman Jimcale

Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorshesayn oo ay xalay kooxo hubeysan ka geysteen gudaha magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, kaas oo loo geystay nin kamid ahaa dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon, wuxuuna u shaqeynayay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, laanteeda magaalada Jowhar.

Sidoo kale marxuumka ayaa ahaa Nabadoon caan ka ahaa gudaha magaalada Jowhar  ee xarunta gobolka Sh/Dhexe oo si weyn looga yaqaanay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, xilli uu kasoo baxay Salaaddii Cishaha, waxaana goobta ka baxsaday kooxda dilka fulisay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa goobta gaaray, waxayna sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay dilkaasi, balse ma jirto cid ay soo qabteen.

Dhinaca kale madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon, wuxuuna tilmaamay in dilkiisa ay ka dambeeyeen koox arxanlaaweyaal ah, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale tilamaamay in marxuumka uu kaalin mug leh kasoo qaatay dhisidii HirShabelle kana soo shaqeeyay nabad ku wada noolaanshaha maamulkaasi.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer HirShabelle ee uu ka geeriyooday.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhacaya gudaha caasimadda HirShabelle ee Jowhar oo ay horay uga dhaceen qaraxyo geystay khasaare kala duwan.