Muxuu yahay heshiiska dhul ee Qoor Qoor la saxiixday QM?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa shalay heshiis dhul loogu asteeyay xafiiska Qaramada Midoobay la saxiixday ku-simaha Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Kiki Gbeho.

Munaasabadda saxiixa heshiiskaan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo maamulka caasimadda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay ka wada-hadleen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo si dardar leh uga socda deegaanada maamulka Galmudug iyo sida ay tahay in la iskaga kaashado dagaala.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug oo heshiiskan ka hadlay ayaa ku tilmaamay mid muhiim u ah maamulka, maadama caasimada maamulka ee Dhuusamareeb laga hirgelinayo xarunta Qaramada Midoobay oo muddooyinkii dambe ay howlihiisa soo socdeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kulankaan is-afgarad looga gaaray xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, si dadka loo gaarsiiyo adeegyo muddo badan ka maqna iyo weliba arrimaha gar-gaarka bini’aadantinimada.

Qoor-Qoor ayaa uga mahad-celiyay booqashada wafdiga ay hogaamineyso ku-simaha Ergeyga Gaarka ah iyo sida ay Qaramada Midoobay uga go’antahay inay xarun rasmi ah ka sameysaan caasimadda Dhusamareeb.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug iyo ku simaha Ergeyga gaarka ah ayaa ugu dambeyntiina beeray geedo astaan u ah dhireynta Galmudug cagaaran mustaqbalka dhow.