Somaliland oo digniin u dirtay DF Soomaaliya iyo Puntland sheegtayna in xabad-joojintii…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo goordhoweyd soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadlayso xaaladda ka taagan Laascaanood, ayaa waxay digniin culus u dirtay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Qoraalka kasoo baxay xukuumadda Somaliland ayaa ugu horeyntii waxaa lagu sheegay in aysan waxba iska badalin go’aankeedii xabad-joojinta, xilli ay Isimida Laascaanood ku sugan ku xirtay dhaqan-galkiisa in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cadaynaysaa in go’aankeedii ahaa xabad-joojinta aan shuruudda lahayn uu sidiisii dhaqangal u yahay, waxna aanay iska bedelin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri “Somaliland waxay cadaynaysaa in marka horeba ciidamada JSL aanay weerar ahayn ee ay keliya ku jireen isdifaacid, welina ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii.”

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxay digniin culus u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dowlad-goboleedka Puntland oo ay sheegtay in ciidamo tiro badan keentay xuduudda labada maamul wadaagaan ee aagga Tukaraq.

Waxay sheegtay in tallaabada Puntland ay keeni karto isku dhac ciidan oo u dhaxeeya Somaliland iyo kuwa Puntland, sida lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

“Waxa muuqata in dhinaca kale aannu diyaara u ahayn xabad-joojin si buuxda uga dhaqangasha magaalada Laascaanood, iyaga oo ilaa maanta subaxii hore weerarro is dabajoog ah ku soo qaadayay ciidamada JSL. ”

War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay in Somaliland ay la socod-siinayso bulshada Soomaalida iyo caalamka in xaaladda Laascaanood ka taagan ay tahay mid ka weyn tabasho bulsho ee uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland oo ay ugu horeeyaan kooxaha argagixisada ah.

“Xukuumadda JSL waxa ay u cadaynaynaysaa mar kale bulshada Somaliland iyo caalamka in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta xabad-joojintii aan shuruuda lahayn ee xalay ku dhawaaqday kana go’an tahay dhaqangalinta xabad-joojintaasi.”