Al-Shabaab oo baahisay fariintii ugu horeysay ee ka timid Sheekh Aadan Sunne

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) ayaa markii u horeysay kasoo muuqday warbaahinta Al-Shabaab, ayada oo uu jeedinayo muxaadaro maqal iyo muuqaal ah oo si faah-faahsan sababihii keenay inuu kasoo baxsado magaalada Hargeysa.

Aadan Sunne ayaa sidoo kale muuqaalkan oo soconaya in ka badan 30 daqiiqo ku dhiiri-gelinaya dagaal-yahanada kooxda, isaga oo ku baaqayna in qeyb laga noqdo jihaadka iyo dagaalka ay ku jiraan Shabaab.

Waxa uu sheegay in maamulkii uu ka yimid ee Hargeysa ay ku xoogan yihiin fikradaha gaalada, islamarkaana ciddii ka hadasha kana digta fisqiga ay ka wadaan gudaha Somaliland uu wajahayo ciqaab iyo xarig ah, sida uu sheegay.

“Nolosheyda inta ay jirtay ma arkin Laamiga madowga ee bariga Burco kasoo baxa, marka waxaa isoo kiciyay waa Mabaadida aan aaminsanahay ee baryahan iima qorsheysneyn in aan halkaan yimaado (deegaanada Shabaab),” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in uu ku nabad-geli waayay xaqa sheegistiisa gudaha Somaliland, una usoo hijrooday dhul uu xor ku yahay oo lagu maamulo Diinta iyo Sharciga Islaamka.

“Dalka lagu magacaabo Somaliland ee shalay ahaa Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, wixii ka dambeeyay bur-burkii si fiican ayaa waxa fasax loogu siiyay hay’addaha NGO-ga iyo kuwa gaalada ka dambeeyan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay gudaha Somaliland ay ka jiraan goobo lagu dhigo diimo reer galbeed, ayna ogyihiin madaxda sare ee maamulka oo ayagu daboolo waxa ka socda, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhulka Wilaat-yaadka Islaamka waa meel aad u horumarsan oo lagu dhaqmayo kitaabka iyo sunada ilaahay. Waxaan halkan u yimid in dadka lagu hogaamiyo manhajka Ilaahay usoo dajiyay adoomada.”

Ugu dambeyntiina wuxuu muuqaalka si cad ugu sheegay inuu kooxda Al-Shabaab ku garab taagan yahay jihaadka, islamarkaana uu qeyb ka qaadan doono sidii dalka loogu maamuli lahaa Diinta Islaamka.