Al-Shabaab oo banneeyay saldhigyo ku yaalla MUDUG

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta xubnaha Al-Shabaab ay ka baxeen saldhigyo milatari oo ay ku lahaayeen deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in kooxda ay ka baxday deegaamada Dumaaye iyo Dabagale oo ay  ku laheydn saldhigyo milatari oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada qorsheysan ee ay ku qaado ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in Al-Shabaab ay dareemeen cabsi xoogan, kadib markii ay ku dhawaadeen ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada gobollada dhexe.

Dhanka kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa xalay ku hoyday deegaanka Bajeela ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay kusoo bandhigeen 6 kamid ah maxaabiis ay haysteen Al-Shabaab oo ay ka rabeen lacago madax furasho ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Mudug isugu geysay cudud ciidan oo aad u badan, halkaas waxaa horay ugu diyaarsanaa daraawiishta Galmudug iyo ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaana gobolka laga dareemayaa guluf dagaal oo ka dhan kooxda Al-Shabaab oo muddo dheer ku sugnayd halkaasi.

Koonfurta gobolka Mudug deegaano faro ku tiris ah oo ay ka mid yihiin, Caad, Dabagalo, Dumaaye, Miiroon iyo Jowle ayey ka joogtay kooxda Al-Shabaab, waxaana la soo werinayaa inay baneeyeen inta badan deegaanadaas oo ay isugu tageen Caad iyo aagga Shabeelow.

Maalmaha soo socda waxaa la sheegay in deegaanadaas ay ka bilaaba doonaan dagaallo cagta lagu marinayo kooxda, ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee hubka qaatay ayaa ku diyaarsan deegaanada Bacaadweyn, Camaara iyo buuraha ku teedsan deegaanka Shabeelow.